DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Arrimo lidi ku ah Somaliland kala hadlay Masuuliyiinta Dowlad deegaanka Itoobiya

0

Wafdi ka socda Puntland oo dhawaan gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulamo kula qaatay degmadaasi gudoomiyaha degmada Wardheer ee dawlada deegaanka Soomaalida itoobiya.

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka oo gaaray degmadaasi ayaa sheegay kulamadii ay wada qaateen wafdigii uu horkacayey iyo dawlada deegaanku inay ka wada hadleen xoojinta amniga iyo sidoo kale gadiidka baxsadka ah ee ka la dhuumanaya rarka.

Afhayeenka Puntland C/laahi Maxamed Jamac Quraan-Jecel oo ka hadlay kulankii labadaasi wafdi ayaa wuxuu sheegay inay labada Dhinac ka wada hadleen ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqaynaya xuduudaha inay dhisayaan labada maamul kuwaas oo iska lashaqaynaya nabad galyada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-