DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo xoojinaysa amniga deegaanada ay maamusho ka dib Markii hal Arrin lagu arkay

0

Golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed oo shalay kulan ay ku yeeshay magaalada Baydhabo waxa ay ka ka hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed laga bilaabo howgallo xoogaan oo Al-Shabaab lagu la dagaalamaayo .

Waxa ay sheegeen in Al-Shabaab Go’doomiyeen degmooyinka dhowr oo ka tirsan degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed , islmarkaana ay muhiim tahay in go’doominta laga dulqaado shacabka kunool degmooyinkaasi oo u baahan gurmad deg deg ah.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in la adkeeyn doono ammaanka goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed howgal ay sameeyeen todobaadyadii lasoo dhaafay ay gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano ka tirsanaan jiray Al-Shabaab ka dibna isku badalay Kooxda Daacish.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-