DHAGEYSO KHUDBADA:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gelinkii dambe saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa Waxaa Goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Ergayda gaarka ah ee Xoghaya Guud QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda, iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Markii uu Saxiixay ka dib ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay qodobada Muhiimka ah eek u jira Sharcigaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyed ugu faa’iideysan karaan.

6-dii Juun ee Sanadkaan 2016 ayay ahayd Markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO