WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Puntland oo Xiray Xarunta Shirkadda Golis ee Magaalada Garoowe

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa Saaka Albaabada isugu dhuftay Shirkadda Isgaarsiinta Golis Xaruntii ay ku laheyd Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shirkadda Golis ayaa sheegay in Ciidamada Shirkadda Xiray ay Shaqaalaha ku Amreen la xiro Xarunta ugu weyn Shirkadda Golis ee Garowe ku taalla,iyadoo aan la ogeyn Sababta ka dambeysa in la xiro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Canshuur kordhin 30% ah oo lagusoo rogay shirkada Golis,taas oo ay ka soo horjeesteen Maamulka Shirkadda islamarkaana Sababtay in la Xiro.

Maamulka Puntland weli wax war ah kama soo saarin Xariga Shirkadda Saaka lagu Xiray.

la soco Wixii soo kordha..