DAAWO VIDEO: Rabshado dad shacab ah ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in labo ruux oo uu mid askari yahay ay ku geeriyoodeen Rabshado maanta ka dhacay magaalada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Rabshadahan ay ka dambeeyay, kadib markii meel ay ciidamada ka ag-dhowaayeen lagu dilay qof rayid ah.

Dadweyne careysan ayaa ka gadooday tallaabada ay ku kaceen Ciidamada oo aanay gacanta ku dhigin ninkii wax dilay.

Banaan baxayaasha ayaa xoog ku galay saldhiga ciidamada, waxaana la gubay gaari gudaha saldhiga yaalay, waxaana magaalada ay noqotay mid kacsan.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya ciidamada ammaanka in aanay waxba ka qaban falalka dilka ah ee maalmahan ku soo kordhayay magaalada, isla markaana aanay wax tallaaba ah sameyn, markii meel u dhow qof rayid ah lagu dilay.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa ah mid degan, waxaana magaalada soo buuxiyay Ciidamo Milateri ah, kuwaasoo xaalada dejiyay.

Isku soo wada duuboo Labo habeen ka hor ayay aheyd markii sarkaal ka tirsanaa Shirkadda Dahabshiil lagu dilay magaalada Laascaanood, iyadoo mid kale la dhaawacay.

Hoos Ka Daawo