Xildhiban ka tirsan Golaha Baarlamaanka yemen la yirahado Cusmaan Xuseen Fayid Majali ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadkii horseedka ka ahaa afganbigii dhiigu ku daatay ee ka dhacay dalka yemen ay deegaanka Sacda ka qorayaa caruurta qaxootiga deegaanka oo ay ugu badan yihiin kuwa soomaalida.
Xidhibaanku waxaa uu sheegay in sababa ay maleeshiyadu u qoranayaan waqtiga carruurta qoysaska qaxootiga Gobolka ay tahay askareyn si ay uga bar bar dagaalamaan askarta maleeshiyaadka .
War qolaar ha oo ka oo ay soo saartay jariiradda Oka ee laga leeyahay dalka sacuudiga ayaa sheegtay in falaagada xuutiyinta yemen ay si weyn uga faa’iideysteen xaaladaha bini’aadanimo ee qaxootiga haysta gaar ahaan carruurta sida in ay shaqaaleysiiyan oo kale.
Majaladda ayaa qoraalkeeda intaasi ku dartay in caruurta ay falaagadu askarta u qoraneyso ay ka soo jedaan qoysaska dheeraadka ah ee afrikanka ah kuwaaso ku tagay dalka yamen si aan joogto ahayn tiradooduna ay ka badan tahay halnmilyan oo ruux oo inta badana ay yihiin kuwo ka tagay dalka soomaliya.
Dhiniciisa wakiika gobolka Taiz Anas Al-Anhari ayaa caddeeyay in badi qaxootiga gobolku ay ku yimaadeen si aan sharici ahayn .