Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay xalay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Inta la ogyahay Madaafiicdaan waxaa ku geeriyooday 4-ruux sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 20-kale.
Madaafiicda ayaa ku dhacay Xaafado ka mid ah Baydhabo oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada Koofur Galbeed iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.
Dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa la dhigay isbitalka wayn ee magaalada Baydhabo, waxaana haatan lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.
Hoos ka Daawo Sawirada:-