DHAGEYSO:- Hay’ada WFP oo loogu digay iney hubiso raashiinka ay soo galiso Soomaaliya

0

Xilli Dhawaan  Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay Raashiin dhacay oo la sheegay in loo siday deegaanno ka tirsan Gobollada Koofureed ee Soomaaliya  islamarkaana howlwadeen ka tirsan Hay’adda WFP ee cunada u qaabilsan Qaramada Midoobay  dadka loo qabtay raashinkaas uu ku jiro ayaa waxaa ka hadlay waxgarad iyo masuuliyiin dhibaatadaaasi.

Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi ( Laangare ) oo Shabelle la hadlay ayaa ku eedeeyay Hay’adda WFP in ay qeyb ka tahay dhibaatada Soomaaliya , mar haddii dowladda Soomaaliyeed ay ku aragtay raashiin dhacay oo ay noo soo safrisay sida uu yiri.

Bedel ayaa hoosta ka xariiqay in WFP iyadoo ka faa’ideysaneysa la xisaabtan la’aanta iyo Kontarool la’ida tayada raashiinkeeda ay dadka Soomaaliyeed raashiin dhacay ama sun dadka Soomaaliyeed u qeybineyso taas oo halisteeda leh sida uu sheegay

Waxaana uu ku taliyay in raashiinka WFP Kontarool gaar ah la marsiiyo maadaama raashinka ay keento  ay sababi karaan aafooyin aan si fudud looga soo kabsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hoos ka Dhageyso Codka:-