Dilka Masuul degmada Dharkiinley ka tirsanaa oo Dad loo soo qab qabtay

0

Maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Tiro dad ah oo lagu Tuhunsan yahay Dilkii Allaha u Naxariistee Madaxii Kormeerka Degmooyinka Gobolka Banaadir C/llaahi Ibraahin Nuur in ay ka dambeeyeen Ciidamada Amnigu ay Gacanta ku dhigeen.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Degmada Dharkenley daa’uud c/lle nuur  ayaa sheegay in Falkaas Dilka ah Tiro Dad ah loo hayo islamarkaana ay weli baaris ku socoto,waxaana uu Xusay in Ciddii ku Cadaato Dambigaasi Sharciga la horkeyn  doono,ciddii dambi lagu waayana aan la dhibaateyndoonin.

Dhanka kale Guddoomiye Kuxigeenka Amniga ee Degmada Dharkenley ayaa sheegay in  Xaafadda Salaama ee Degmadaasi ay tahay halka laga soo Abaabulo Dilalka Mas’uuliyiinta Dowladda islamarkaana Mas’uuliyiin badan lagu Qaarajiyay.

“Xaafadda Salaama ee Degmada ku taalla waa Xaafad lagu Diyaariyo Dilalka Mas’uuliyiinta waa Xaafad Ooba Siib ah,waxaan wadnaa Qorshe Amnigeeda lagu hagaajinayo”ayuu yiri Guddoomiye Daa’uud/

Shalay ayey aheyd markii Xaafadaasi lagu dilay C/llaahi Ibraahin Nuur oo horay u soo noqday Guddoomiye Kuxigeenkii Maamulka Degmada Dharkenley,waxaana Dilkiisa sheegtay Al-shabaab.