Taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Bari CabdiXakiim Yuusuf Xuseen ayaa goor dhaw la hadlay Warbaahinta, wuxuuna ka hadlay Iska horimaadkii saaka dhexmaray Ilaalada Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Jen, Cabdirisaaq Af-gaduud & Taliyaha ciidamada Birmadka ee Puntland Col, Af-dalow.
Taliyaha ayaa sheegay in la hakiyey xaaladda, isla markaasna hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna sheegay in ay hadda nabadgalyaddu caadi tahay, aysana jirin laba saf oo loo dagaalamay.
Taliyaha ayaa qiray in ay dhaawac yihiin Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab & Labo Sarkaal oo katirsanaa ciidamada Booliska & Birmadka ee dawladda Puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO