DHAGEYSO:- Ku dhawaad 200 oo qof oo lagu dilay Dalka Itoobiya

0

Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay 140 qof ku dileen dhanka galbeed ee dalkaasi, ugu yaraan 39 cunugna ay afduubteen.

Getachew Reda oo ah wasiirka isgaarsiinta, waxa uu sheegay in kooxda wax weerartay ka yimaadeen dalka dalka deriska la ah ee South Sudan.

Qowmiyadda la weeraray waxa ay ka soo jeedaan Gambela, oo mararbadan weeraro dhanka South Sudan laga soo qaaday la kulmay.

Dableyda weerarka qaaday ayaa waxa ay kasoo jeedaan qowmiyadda Murle, dowladda Itoobiya ayaana sheegtay in 60 qof laga dilay.

Wasiirka waxa uu BBC-da u sheegay in loo maleynaayo in dableyda aysan wax xirir la lahayn dowladda ama mucaaradka South Sudan.

Waxa uu intaa ku daray in militariga Itoobiya weli ay baacsanayaan maleeshiyada weerarka qaaday.

Mr Reda ayaa sheegaya in arrintan ay tahay wax iska caadi ah oo xuduudda labada dal marar badan ka dhacday.

Qowmiyadda Murle ayaa aalaaba lagu eedeeyaa qaadidda weeraro lo’ dhicid ah, iyo xadidda caruurta, si ay ugu koriyaan kuwa ay dhaleen oo kale.

Hoos ka Dhageyso Codka:-