WAR DEG DEG:- Shirkii looga hadlaayay Doorashada Soomaaliya oo la soo gaba gabeeyay iyo WARMURTIYEED laga soo saaray

0

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayay arimaha Doorashooyinka, iyadoo Shirkani laga soo saaray Warmurtiyeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aweys ayaa Saxaafadda u akhriyay Warmurtiyeedka laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaha Dowlad Goboledyada ka socday ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Puntland ku dhexmaray Magaalada Garowe, heshiikaasi oo Puntland lagu qanciyay in Doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5 inay ogolaadaan.

Madasha Hogaanka Qaran ayaa la isla gartay  inaan mudada loo kordhin doonin mudada Xil haynta Golaha shacabka iyo Madaxda Dowladda Federalka Somaliya.

Madasha-1