Hay’addaha UNICEF iyo WFP oo ka hadlay Abaaraha Soomaaliya

0

Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa talaabo u qaaday si ay u caawiyaan bulshada ee Somaliland iyo Puntland ay qabsadaan abaar daran sii xumaanaya.

Hay’addaha UNICEF iyo WFP   waxay sheegtay in ku-dhawaad 385,000 oo qof oo ku nool Waqooyiga Somalia u baahan yihiin Gargaar Degdeg ah, halka 1.3 million oo kalena qarka u saaran yihiin macluul, haddii uu Roobka ka sii raago Goballadaasi.
Dhinaca kale, QM waxay horey u codsatay 105 million oo Dollar si Gargaar Aadminimo loogu gaarsiiyo 1.7 million oo Soomaali ah, kuwaasi oo badankooda ah Xoolaley iyo Beeraley ku nool dhulalka ay Abaaruhu ka jiraan ee Somaliland iyo Puntland.

“UNICEF ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed gaar haan kuwa puntland iyo Soomaaliland  ay sameeyeen abaaro isdaba joog ah kuwaas oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Hadal qoraal oo uu Wakiilka UNICEF ee u qaabilsan Arrimaha Somalia, Steven Lauwerier ka soo saaray magaalladda Nairobi ayuu ka digay inay Kumanaan carruur ah khatar ugu jiraan inay Waxbarashadda ku dhacaan sababo la xiriira Abaaraha iyo Macluusha baahsan ee ka jira Goballadaasi.

Qeybta cunta  ee ha’yada WFP ayaa la sheegay in sii labo jibaari doono gar gaarka ay siinayso dadka ku dhibtaaysan Soomaaliya.