DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID:- Maamulka Puntland oo soo saaray Sharciyo cusub oo amniga la xiriira

0

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali qarjab oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa soo bandigay sharciyo cusub oo lagu ilaalinayo amaanka guud ee Puntland.

Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland ayaa sheegay in sharciyadaan ay qabanaan muwaadiniinta Reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeed ee Puntland kasoo galaya xaduudaha kala duwan, isagoona sheegay in dukumintiyo caddaynaya qof la siin doono dhammaan dadka Puntland soo galay iyo kuwa soo galaya.

”Wasaaradda Amniga Puntland waxay bixinaysaa kaar lagu joogayo Puntland, waxaan qofka warqadaha qaadanaya uu soo marayaa CID iyo Wasaaradda amniga xafiiska heer Gobol ee wasaaradda , waxaana warqadahaas kadib ay dawladda hoose bixinaysaa kaarka joogista, waxaana dhammaan koobi xogta qofka ah laga rabaa dhammaan xafiisyada Amniga ee uu marayo ” Ayuu Yiri Wasiirka amniga dawladda Puntland.

Dadka imaanaya ayuu sheegay in ay damaand Puntland kusoo galayaan, sidoo kale qofka shaqaalaha noqonaya in laga rabo in qofka uu u shaqaynayo uu damiinto taas oo kaalin muuqata ka qaadan doonta Amniga guud ee Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO