DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo sheegay in go’aanada ka soo baxa Shirarka ka socda Muqdisho la horgeynayo Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheeegay in go’aanada ka soo baxa shirka madasha Wadatashiga Qaran ee hada ka socda Muqdisho la horgeynayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka soomaaliya uu talo ku lahaadaan shirarka ka soconayo Muqdisho ee loogu hadlayo doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka sababta loo horgeynayo ay tahay in ay talooyin u daraan go’aanada ka soo baxa shirka iyo sida loo wajahayo doorashada Dalka.

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu shalay daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-