UPDATE:- Waxgarad hor leh oo ku biiray shirka dib u heshiisiinta Beledweyne

0

Shirka dib u heshiisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan oo maalmahan ka socda magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa  waxaa maanta ku soo biiray  beello horay uga maqna shirka dib u heshiisinta beellaha daga gobolka Hiiraan oo si habsami leh ugu socda magaalada Beledweyne.

Barre Xuseen Ibraahim oo ka mid ah nabadoonada maanta ku biiray shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan oo ka socda magalaada Beledweyne ayaa  sheegay in  maanta ay si rasmi ah  ay ugu bireen hadii ay yihiin beeshaasi  islamarkana ay kaalintooda ka qaadan doonaan shirka isagoo sheegay in shirkan uu yahay mid dib u heshisiin.

Dhanka kale qaar kamid ah odoyaaasha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay beesha maanta ku biirtay shirka waxa ayna ugu baaqeen beellaha kale ee ka maqan shirka in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan shirkaasi

Maalmahan magalaada Beledweyne  waxaa ka socda shirka dib u heshiisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan.

1 2 3 4 5

7 9