FAAHFAAHIN:- Ciidamo wata Diyaarado qumaati u kaca oo Howlgal ka sameeyay Degaan ku dhow Magaalada Kismaayo

0

Ciidamada Kumaandooska ayaa howl galo ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60Km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka dageen diyaarado qumaatika u kaca ay ku dageen, waxaana markii dambe ka firxaday goobta ay gaareen dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Sayid Axmed Carab ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay Ciidamada Kumandooska howl galo ka wadeen deegaano ka tirsan Jubbooyinka, iyagoo taageero ka helayay shacabka sia uu yiri.

“Todobaadyadan waxaa socday howl galo, xalay ayaa u dambeysay waxaa howl gal laga sameeyay deegaanka Janaay Cabdalle oo u jirta Kismaayo 60KM, waxaana la wareegay gacan ku heynta ciidamada, kooxihii nabad diidka ahaa waa ka carareen”ayuu yiri Sayid Axmed Carab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowr habeen ka hor howl galo laga sameeyay Kamsuuma iyo Jilib, waxaana uu xusay howl galkaas looga dilay sideed dagaalyahan, halka gaadiid looga gubay.

Howl galadan ayaa qeyb ka ah kuwo Ciidamada Kumandooska Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay ka fulinayeen deegaano ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidamo Mareykan ah ay kala qeyb qaadanayaan howl galada, iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters.