Ha’yada MSF oo Warbixin ka soo saartay dhibaatooyin loo geystay ku dhawaad 300 Muhaajiriin

0

Ha’yada caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo muhaajiriin ah ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii ay booliska Macedonia u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka qiiqa, xilli ay dadkaasi isku dayayeen in ay xoog uga gudbaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Giriiga.

Sarkaal ka tirsan MSF ayaa sheegay in 200 oo muhaajiriin ah laga daweeyay dhibaato dhanka naqaska ah, halka 30 kale laga daweeyay dhaawacyo kasoo gaaray rasaasta cinjirka ah.

Dhalinyaro muhaajiriin ah ayaa dhagaxyeeyay booliska Macedonia ka dib markii ay ka horjoogsadeen in ay duumiyaan derbiga xuduuda ku yaalla.

Dabeyl halkaasi ka jirtay ayaa sababtay in sunta ay booliska adeegsadeen ay gaartay xero qaxooti oo ku taalla dhanka Giriiga oo ay ku noolyihiin 11 kun oo qaxooti ah, kuwaasi oo halkaa ku xayiran tan iyo markii ay dalalka loo yaqaano Balkan ay xireen marinkii muhaajiriinta ugu gudbayeen waqooyiga Yurub.