DHAGEYSO:- Soomaalida ku nool Dalka Canada oo codsi u jeediyay Laamaha ammaanka ee dalkaasi

0

Soomaalida kunool dalka canada ayaa ha’yadaha ammaanka dalka Canada ka codasatay in baaritaan dheer ah lagu sameeyey soomaali badan oo lagu dilay dalka Canada.

Walidiinta ayaa sheegay in kudhawaad 100 dhalinyaro soomaali ah lagu dilay dalka Canada islamarkaana sanadyadii la soo dhaafay waxayna ciidamada booliiska ay ka codsatay in ay wax ka qabtaan dhibataas.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay la shaqeyaan ciidamada dalka Canada islamarkaan ay joojiyaan daroogooyin iyo gaangastarnimada .

Soomaali kunool Canada ayaa wali walaac ka muujinaya in ilaa iyo hada aan maxkada sax loo horgeen dadkii ka dambeeye dilalka loo geystay Soomaalida kunool Canada laakiin  wali ha’yadaha ammaanka dalkaas aya baarayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-