DHAGEYSO:- Shirka Madaxda Dowlada iyo Maamul Goboleedyada uga socda Muqdisho oo maanta la soo xirayo

0

Shalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka furmay Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,waxaana shirka looga hadlayay qaabka loo wajahayo Doorashada Bisha September ka dhacaysa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay Shirka Furay ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada in ay ka shaqeyaan sidii Soomaaliya ay uga dhici laheyd Doorasho islamarkaana ay isku tanasul sameeyaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys  ayaa sheegay in Shirka maanta la soo geba gebeyn doono islamarkaana waxii ka soo baxa Warbaahinta laga shaacin doono sida uu hadalka u dhigay.

Shirka ayaa inta uu soconayo waxaa intiisa badan looga hadli doonaa Doorashada ka dhaceysa Dabayaqada sanadkaan Dalka.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-