DHAGEYSO+SAWIRRO:-Gudiga Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Oo Baaq U Diray Jaaliyada Dalka Dibeddiisa.

0

Gudiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caabudwaaq ayaa Jaaliyada ka soo jeeda deegaanka iyo Cidkasta oo ka qayb qaadan karta ka Codsadey
in ay ka qayb qaataan dhismaha Qaybtii labaad ee Xeendaabka Garoonka loogu wareejinayo si uu uga ilaalsho Xayawaanka iyo wixii kale ee
amniga garoonka wax udhimaya iyagoona Codsadey in laga qayb qaato dhismaha oo hada meel bilow ah maraya.

Cabdiqaadir Faarax Gurey iyo Shuuke Faarax Cowl oo kamid ah gudiga garoonka diyaarada ee Abudwak International Airport ayaa tilmamay in
aan marna la iloobi doonin doorkii muuqdey ee ay qurba joogtu ka qaadatay aas-aaskii garoonka oo hada siwanaagsan ay u socoto duulimaadyada diyaaradaha ee garoonka.

Waxaana ay xuseen in laga qayb qaato Xeen-daabka hada lagu warjeejinayo Garoonka oo wax wayn ka tari doona Bilicda iyo Amniga
Garoonka.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

 DSC02733 DSC02734 DSC02735 DSC02736 DSC02737 DSC02738 DSC02739 DSC02740 DSC02741 DSC02742 DSC02745 DSC02748 DSC02749 DSC02750 DSC02751 DSC02752 DSC02753 DSC02754 DSC02755 DSC02756 DSC02757 DSC02758 DSC02759 DSC02760 DSC02761 DSC02762

Kala Xiriir Gudiga Garoonka:

Cabdiqaadir Faarax Gurey (Cabdiqaadir Dheere) Tel: 00252615530022

Shuuke Faarax Cowl Tel:00252615188999