CODSIGII MUDANE DR GAAS OO MADAXWAYNE XASAN KU GACAN SAYRAY.

0

Soomaaliya oo meel aad uliidata taala ayaa ilaahay waxa uu markaliya si aan lafilayn u soo saaray ninka sida wayn caalamku isha uugu hayo habka uu u daadihinayo in dalkiisu ku istaago cagahiisa,soona ceshado nimaamkii iyo kala danbayntii.Ninkaas oo umada soomaaliyeed intii aan hore u fahan sanayn sidaydaas aymaanta fahantay sideedaba.

Inbadan ayaan kula dagaalsanaa madaxaynahayga in uu dalka wax la taaban karo u qabto ama baneeyo kursiga.mararka qaarkood waan u gafay oo ku gardarooday madaxwaynahayga xasan sheikh,anoo ilduufay fahmi waayay nasiib daro,anoo la qaba soomaalida dhibka hareeyay,anoo jecel dadka iyo dalka soomaaliya,rabitaanka in aan arko qaranka soomaaliyeed oo dawlad ah sidii uu ahaan jiray soona ceshada sharafkii iyo nadaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo.arimahaas ayaa igu xanbaaray in aan u gafo madaxaynahayga xasan.waxaan se ka fayoobahay in aanan marnaba duulaan ku ahayn sida soomaalidu ubadan tahay noloshiisa shaqsiyan iyo reerka uu ka dhashay midna.wadanka in uu wax u qabto oo kaliya ayaan kula dagaalay anoo aan rajayninba in uu hawshaa ku raad joogo.waxaan ka raali galinayaa wixii aan u dhimay waxaana hawada u soo mariyay in uu i cafiyo raalina iga ahaado.

Anigu sidaydaba dadka iyo dalka aynu leenahay ayaan jeclahay,mana jecli in aad cidna dulmi ku maago gardaradana waan necbahay waloow aan daciif aadame ah aan ahay.nin baa laga sheegay inta mid kale ku dhibay war wax qabo war wax qabo iyo talo badan iyo amar goortuu adkaysan waayay ayuu wuxuu yiri” ANBA FADNIYE WAXBA HAY FARIN” hadaba waxaan ula jeedaa madaxwaynahaygii oo faydan yaan kadul dhacay war dalka wax u qabo oo kakac fadhiga ileen waaba nin iga horeeya!.

Mudane madaxwayne xasan sheikh waa nin aqoon yahan ah,wax ku bartay intabadan dalka gudihiisa.waxa uu ku sugnaa dalka intii soomaaliya ay ka jirtay burburka iyo dagaalada sokeeye.Mudane xasan waxa uu ushaqeeyay intii burburku jiray shacabkiisa soomaaliyeed.waxa uu dhisay maxad tacliimeed oo noqday hada jaamacad buuxda.hab sama fal ah iyo ururo sama fal ah ayuu la shaqeeyay inbadan.Mudane xasan waa nin furfuran,bashaash ah garasho iyo aqoonba leh. waa ninka alifay marka laga soo tago jaamacadaas,xisbi lagu dhawaaqay 2011 kii, oo u ahaa gudoomiye xisbigaas oo layiraahdo hormarka iyo nabada(PDP). xasan waa nin u bisil siyaasada,waana nin meel marin kara hadafkiisa siyaasadeed. waa nin caalamku kaga danbeeyo xaga siyaasada oo la taageersan yahay dhanka kalana hada ay wada raacayaan shacabka soomaaliyeed intoodabadan.

Hadaad xasuusataan Mudane xasan waxa uu halmar sida cad ceeda uuga soo dhex baxay tartankii madaxwayne isagoo guushu ku raacday oo lagu doortay si aqlabiyad ah 190 cod ayuu kahelay275 kii codaysay waxaad halkaa ka dareemi kartaa haybadiisa iyo miisaankiisa siyaaso.10 sebtembar 2012 waxay ahayd maalin wayn oo taariikhda gashay markii uu halmar mudh soo yiri sidii dayax shaniyo tobnaad ah mudane xasan sheikh maxamuud oo noqday madaxwaynihii umada soomaaliyed.Madaxwaynuhu waxa uu noo sheegay in 6 arimood uu wax ka qabanayo kuwaas oo aan kasoo qaadanayo mida aan aadka u jeclahay oo ah tan qodobka shanaad ah, 5.Midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed. xasan waa siyaasi wadani ah oo meel dheer wax ka arka,waa geesi aan u joojinaynin danta dalkiisa gaalo iyo muslim iyo daba dhilif toona.

Markiiba mudane xasan waxa uu dardar galiyay,in uu isu keeno soomaalidan kala tagtay.waa laga horyimid waxaana ka horyimid kuwo diidan in lasoo celiyo dawladnimadii aynu inago soomaali ahaan iska burburinay,dalkuna dago.waxay sheegteen iyagoo jeebka kuwata fikir ay usoo dhiibeen shisheeyuhu iyo gumaystuhu oo ah fadaraal ayaad tihiin ee hayeelina waxaan fadaraal ahayn.waxay eeganayeen beelo burburkii ka faa iidaystay oo intay ku dhawaaqeen inay maamul dhisayaan loo dhan yahay hadana dadkii khiyaameeyay oo kursigii ku habsaday oo ka dhaariyay dadkii wax la dhistay ee aaminay.markaa waxay ku gorgortamayaan in kursigaas sina looga qaadin,si taaloo xajistana waa in layiraahdaa anoo kursigayga haysta ayaan soomaali wax la qaybsan!! hadii kale soomaali isu iman mayso waayo waxaan rabnaa oo nahay fadaraal.ogoow ninkani waa nin dad wixii haystee.

PUNTLAND IYO FADARAALKA
puntland waxaa la aas aasay 1998 dii,waxaana loo aas aasay in dadku goboladan dagani helo amaan dhexdiisa ah iyo kala danbayn inta laga helayo dawlad soomaaliyeed ee dalka hanata guud ahan.halkaa beelihii wada dagaanaa ayaa isku aaminay oo wax wada dhistay.hayeeshee qorshihii loo dhisay puntland waa la in qilaabay oo waxay u xuub siibatay arimo ka dhan ah soomaaliya madax banaanideeda,midnimadeeda iyo beelihii waxay ku heshiiyeen intaba.maamulkii waxaa ku habsaday haljifo oo kamid ah majeerteen,kuma jiraan hartiga kale,iyo daaroodka kale iyo soomaalida kale ee dagan puntland intuba.madaxwayne ma noqon karaan beelaha majeerteen cidkale warkeed iskabadaa.macnaheeduna maha inay kabadan yihiin dadka kale inay kabadan yihiin majeerteen intiisa kale bal iska dhaafe calisaleebaan iyo cali ibraahiim isku darkooda ayaa kabadan reerka haysta oo ka dhaariyay shacabkii puntland in kusigaa cid aan iyaga ahayni timaado.waana xagjir,waxayna salka ku hayaan shisheeye usoo dhiibay fadaraalka.

Cadaaladu iyo sinaantu waxaa weeye hadii laba nin ay tartamaan xukun u tartamaan in aan lagu salayn horta qabiilkoodu sidee ukala badan yahay? kee ayaa aniga ah qabiil hoosaadkayga oo isoo yara xiga? markaa waxaa dhici karta in aqli iyo xikmad iyo hogaaminba uu ka fiican yahay midka adiga kula qabiilka ah midkaa aan kula qabiilka ahayn laakiin kula leh dalka iyo diinta isla markaana dhalsho ahaan kula wadaaga oo kani habeen kaa xigo aad raacday.markaa qabayaaladu waxay keentay in hogaamiyihii laga tago la doorto doqon laakiin ah cidaada.sidan in wax loo doortaa waxay ka soo horjeedaa diinteena islaamka ah waydiiye culimada habkee loo doortaa qof oo diintu ogoshahay?

Puntland niman tiro aan naga badnayn tayana aan lahayn ayaa xirtay 18 sanadood.waxaana keentay aaminkii la aaminay ayay dadkii khiyaameeyeen oo booskii xirteen xukunkii ku habsadeen oo iyaga mooyee aan lahawaysan karin.bal hada isu fiirsha idinkoon meel kalaba aadin,DR GALAYR oo ah ruug cadaa inbadan dawlado u soo shaqeeyay,ah mutacalim dhisan hogaamin kara soomaaliya iyo puntland intaba ayaa puntland cayrsanaysaa,halka ay habawgan dr gaas ah oo aynu wada aragno maantana soomaalidu mukhaayadaha uuga shaah cabaan fool xumadiisa ayay wataan! oo kursigii puntland u dhiibeen,dhanka kale eeg Mudane GALAN oo ah nin majeerteen ah cali saleebaan ah dhisan dhan walba ayay cayrsanayaan halka ay ka wataan dr gaas malabadan nin ayaa isu qalma waa nin hogaamiye dhab ah oo siyaasi ah oo soomaali ah iyo nin aan waxaraha loo dirsan karin iska dhaaf xil kawayn ee.hade waabad aragtaan.

Dadka puntland waa shacab daacad ah oo si xun loo khiyaameeyay,wayna arkaan waana ka tashadeen hada.waxaase yaableh dhacdadan foosha xun ee ceebta dhaaftay iyo khiyaanada ee hada ay ku kacday puntland.maha inay aqbashay 4.5 maxaayeelay taas horaan u ogayn waa tii mogdisho dr gaas ku sixiixay.waxa layaabka leh ayaa ah in ay kacod sadeen madaxwayne xasan sheekh dr gaas iyo jifadiisu in lasiiyo 3 xubnood oo golaha ama aqalka sare ah xubin cumar maxamuud ah xubin ciise maxamuud ah iyo xubin cismaan maxamuud oo ah maxamuud saleebaan oo 3 waji kusocda.waxaa kale oo ay codsadeen oo dr gaas gudbiyay in dhulbahante iyo warsan gali iyo carab saalax iyo leelkase iyo dhamaan jilibyada uu ka kooban yahay majeerteen in aan laga yeelin in odayaashoodu soo xulaan si xor ah oo aysan adiga kuusoo gudbin gudiga aad u saarayso doorashada aysan toos uugu gudbin,taa badalkeedana aan anagu puntland ahaan labada aqalba kuusoo gudbino nin kalana ha aqbalin mid aan soo ogolaanay oo soo xulay unbaa noqon kara xildhibaan soomaaliya ah. arintaa ayaan kaa rabnaa bay dheheen mudane madaxwayne maadaama aan ku raacsanahay waxna kula wadno.

Mudane xasan oo ah nin aan loo dhuuman karin ayaa durba fahmay dabinkay u qoolayaan! waxa uu yiri hadii puntland ay masuul ka noqonayso in ay beelaha soomaaliyeed ee halkaa dagan soo xulayaan kamaamul ahaan markaa taa macnaheedu waxaa weeye,dagaan baa wax lagu qaybsanayaa!! maha arinku markaa 4.5 markaa codsigiinaas lama aqbali karo oo nidaamkuu ka hor imanayaa iyo habka wax lagu soo xulayo.u jeedadoodu waxay tahay in ay waxaba ka dhigaan beeshooda iyo inayroo ay ku barxaan.waxaa kaloo u jeedadoodu tahay dhagar ah in tartanka xasan uu tartamayo halkan laga diro kuwii codka aan siin lahayn isaga oo iyagu soo xusheen!! mudane xasana waa ka horaayaa iyaga oo fahan sanyahay. ma nin baa yeelaya ninkii ku dili lahaa ayaan kuu soo diraa ee meel seexi cuntana sii!! waxay dooneen inay beelaha puntland qafaalaan oo xuquudooda duudsiyaan.

Waxaan diyaar unahay iskuna balansanay hadaanahay shacabka puntland marka laga rabeebo beeshan rabta iyadu fadaraalka oo ay dantooda u arkaan gaarka ah in aan qaadano fikirkaas mudane xasan wado oo ah jamhuuriyada dimuqraadiga soomaaliya oo ah dawlad dhexe oo xoog leh oo dalka oo dhan katalisa sidii la arki jiray. waxaan rabanaa cadaalad iyo in aan hoos tagno madaxwaynahaas fadhiya mogdisho sidii shalayba.qofkasta soo soomaaliyeed helo cadaalad iyo sinaan iyo soomaali nimo.waxaan u codaynaynaa madaxwayne xasan sheikh waa is cadaynay.beel waliba gudiga dawladayada soomaaliyeed aynoo soo xusho ayaan ugudbinaynaa xubnaha noo matalaya baarlamaanka beelina beel masuul kama noqon karto maanta sharcina maha cadaaladna maha in lays afduubo. fadaraalku waa qabiil calan wata oo leh dawlad baan ahay sidaa daraadeed lama aqbali karo soomaali oo dhan waxay rabaan iyo inta dulman in ay hoos tagaan dawlad soomaaliyeed oo leh xalmadaxwayne iyo halcalan.

Madaxwayne xasan sheikh fadaraal waanagu soo dhisay oo ku guulaystay in uu isu keeno,dawlado goboleedyadii badankooda uu dhisay,oo halmeel caawa ay wada joogaan.hadana waxa uu ugudbay midnimadii iyo jamhuuriyadii dimiqraadiga soomaaliyeed in uu nagu hogaamiyo anana waa gudoonay,waa aqbalay isagaana dooranaynaa,ninka siyaasiga waxaa lagu gartaa meel buu kaasoo kexeeyaa markaasuu meeshii kuu fiicnayd ku keenaa madaxwayne mahad sanid waxaa balan ah adoo nool inaan kuu dhisnaa taalo xasuus ah maxaayeelay dalkeenii baad isu keentay oo aad dhistay. maxaa kawayn soomaali oo maanta hal ah hal calan haldawlad.soo ceshatay haybadii,hada unbaan ku fahanay ninkaad tahay mahad sanid.waxaa tahay nin diidan sad bursi iyo nin qabiil ismooday oo raba in uu dhaco midkale.waxa tahay nin neceb kala qoqobka soomaaliyeed,waxaa tahay nin jecel dalkiisa iyo dadkiisa,waxaa tahay geesi taariikhdu inbadan xusi doonto.waxaa tahay kii naga saaray gumaysiga fadaraalka,waxaa tahay kii na mideeyay,waxaa tahay abihii soomaalida cusub.shacabka puntland marka laga saaro intan yaroo aad fahantay,waa kuu heelan yihiin kuuna codaynayaan shaki la aan,mudug waa ku taageer sanyihiin beelaha dagan,sida leelkase,ortoble,reer maxamuud,reer biciid yahan,wabeeneeye,amaanle,abarti waaq,macnaha galmudug oo dhan baa ku taageersan.ssc iskaba daa xero daraawiisheed iyo warsangeli gobtii harti waa ku taageersan yihiin si wayn,nugaal carab saalax ayaa kuu jooga oo kutaageersan,dhulbahantaa kuu joogaa,leelkasaa kuu jooga ileen wadaagaane,bari cali saleebaan oo calinkii bari sida oo ay ku midaysan yihiin dhamaan beelaha bari dagan inagoon kala qaadin ayaa kuu helan.wax cod ah oo kaamaqan miyaaba jiraba hadaba ogoow dr gaas in uu rabo in uu afduubo dadkaas oo dhan codkoodii waabad ogtahay ee. waxaa farxad kuu ah ana ii ah in jubaland sayidku waa axmed madoobe ku taageer sanyahay,hartigii xalaasha ahaa ee darwiish daadihinaayay in uu si buuxda kuu taageer sanayah ogoow.

Iskama kaa taageerayno waxaan kugu dooranay soomaalinimadaada iyo rabidaada aad naga dul qaaday gusmaysiga fadaraalka ee shaydaanku ku abuuray dalkeena oo hadaadan naga soo gaarin dalkaba layganaga qaadan lahaa.guntiga dhiisha isaga dhig xasanoow gulaysatay ee hasoo laaban hore usoco anaguna waxaan diyaar kulanahay ciidan waadna na taqaan ragaanahay ogoow ma nihin ilmo dr gaas!! beelaha mogdisho si gaara uugu macsuun wada hadla wiilashana ii keena dheh dalka iyagoo gacan bir ah ku qaban ee waana ragaagii.waan ku faxay go aankaad ka qaadatay qawlaysatada puntland ee u adeegaya shisheeyaha.

W/Q:Yuusuf Cumar
Email: Mashruuc5@hotmail.com