TOP NEWS:- Roobabkii Gu’ga oo ka bilowday Gobolada Puntland

0

Roobabkii Gu’ga ayaa ka bilowday Gobolada Puntland,xilli Abaaro ba’an ay ka jireen Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon ayaa Puntlandi u sheegay in Roobabkii Gu’ga bilowgooda ay ka da’een dhulka Miyiga ah ee Gobolka Sanaag,wuxuu sheegay in sido kale Cirku uu cusub yahay.

Dhanka kale,Roobabka Gu’ga ayaa bilowday Gobolka Karkaar,waxaana degmooyin iyo deegaano hoostataga xalay ka d’ay Roob Miisaan leh,kaasi oo biyo dhigay.

Duunyada iyo dadweynaha ayaa lu diirsaday Roobka,waxaana inta badan Gobolada kale ee Puntland laga dareemayaa Saansaanta Roobka.