DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo maanta furaya Kalfadhiga ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Kal-fadhigii Sideedaad ee baarlamaanka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa furitaanka Kal-fadhigaan inuu ka qaybgalo madaxweynaha Mudane Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka Khudbad ka jeedindoona.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka ay horyaalaan howlo badan, xildhibaanada looga baahanyahay inay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka.

Kal-fadhigaan ayaa ah kii ugu danbeeyay ee baarlamaanka hada jira sida uu qorshuhu yahay maadaama doorasho lagali doono oo la soo dhisi doono baarlamaan cusub.

Furitaanka shirkaan ayaa sidoo kale wuxuu ku soo aadayaa iyadoo hogaamiyaasha Soomaaliya ay kuwada suganyihiin Muqdisho oo ay doonayaan inay go’aan ka gaaraan doorashada la filayo sanadkaan.

Waxaa jira walaac ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed kaasi oo ah in doorashada aysan xiligeeda qabsoomin maadaama hada aysan wali socon qaban qaabada doorasho dalka ka qabsoonta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-