DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari oo Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay iney amnigooda ka taxadaraan

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniin u diray Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, xilli maanta oo Axad ah lagu wado inuu furmo Klafadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Somaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa Xildhibaanada  kula dardaarmay inay ka taxadaraan ammaankooda, si aysan u dhicin in la beegsado Xildhibaan Qaran oo shacabkiisa u shaqeynaya.

“Waxaan rabaa arimaha qaarkood inaan ka dar daarano, waa lagama maarmaan inaad u feejignaatan aad uga feejignaataan amniga ilaalintiisa, Raxmad Allaha siiyo dad badan oo Xildhibaano ah iyo dad badan oo Shaqaalaheena ka mid ah iyo ciidamadeena ayaa naga geeriyooday oo dad cadaawad u qaba ama Dowlad diid ah nagu mushkilideeyeen, qolada Guddiga amniga waa ay shireen warbixintiina waa ay iikeenee arimaha go’aanka ay ka gaareen inaad si fiican u hirgelisaan adiga ayeey dan kuu tahay anaga ayeey dan noo tahay inaad isl ilaalisan oo aad feejignaataan waa mid meesha ku jirta.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Maalmo ka hor ayeey aheyd Magaalada Muqdisho markii lagu weeraray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo dhaawac loo geystay, iyadoo la dilay labo ka mid ah ilaaladiisa.

Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan uga dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana aad u yar dadka dambiilayaasha ah ee dilalka geysta in gacanta lagu soo dhigo oo Cadaalada si sharci ah loo marsiiyo.

Xildhibaan waliba oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya waxaa ilaalo u ah labo Askari oo Boolis ah, halka qaarkoodna ka badan ay wataan, hadana Xildhibaanada waxaa lala eegtaa dilal qorsheysan oo masuuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-