DHAGEYSO:- Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka oo dib u dhacay

0

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhacay ka dib markii maanta lagu balansanaa in uu furmo.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa inta badan soo xaadiray Xarunta Baarlamaanka kuwaas oo isku diyaariyay in ay ka qeyb galaan Furitaanka Kalfadhiga 8 Ee Baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari ayaa sheegay in Furitaanka Kalfadhiga 8-aad oo la filayay inuu maanta furmo uu dib u dhacay islamarkaana bari uu furmi doono Insha Allaha.

Jawaari ayaa sidoo kale in qorshaha uu ahaa in uu furo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Madaxweynaha balse uu Madaxweynaha maanta ku mashquulay howlo kale isla markaana uu beri furayo.

Kalfadhigaan 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah Kalfadhiga ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana iminka Baarlamaanka horyaalla shaqooyin adag oo muhiim u ah dalka sida ay inoo sheegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo aan la hadalnay.