DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dib ay u eegi doonto Deeqdii la gaarsiiyay Somaliland iyo waxa ay ka tartay Abaaraha

0

Gudiga Abaaraha heer  qaran  ayaa sheegay in ay gurmada deg deg gaarsiinayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan ee gobollada dalka soomaaliya.

Wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha  cabdirashiid xidig oo ka mid ah gudiga abaaraha ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan oo loo gargaari doono dadka dhibaataysan.

Gudiga abaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaataysan.

Xidig ayaa sidoo kale sheegay in ay abaaruhu saameeyeen qaar ka mid goballada dalka ,waxuuna sheegay in ay dowlada Soomaaliya dib u eegi doonto deeqdii la gaarsiiyey Soomaaliland, madam ay roobab laga helay qeybo ka mid ah gobollada  maaamulka Soomaaliland walina ay abaaruhu taagan yihiin.

Gudiga abaaraha ayaa wada dadaal xoogan oo lagu gargaaraayo dadka dhibaataysan gobolada dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO