DHAGEYSO:- Biyo yari ka jirta deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug iyo shacabka oo cabanaya

0

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya  deegaanada jiicdhere, Laasgacamey, iyo  jilbalac oo Hoos yimaada Dagmada Bacadweyne ee Konfurta Gobolka Mudug ayaa shegaya in ay ka jirto biya la’aan Xoogan Oo Saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada .

Maxamed Saciid Axmed Oo ka mid ah Waxgaradka Dagmada Bacadweyne ee Konfurta Mudug ayaa shegay in biya la,aanta ka jirta deeganadasi ay hadda Mareyso heerkii ugu sareysa maadama ceelashii iyo baraagadihii ay isticmaali jireen reer miiga ay biya gureen halka kuwa kalne ay yihiin kuwa Biyohooda aan Macaaneyn.

Barkada keydka Biyaha iyo Ceelashii Biyaha ayaa guray sida uu sheegay Max’ed Axmed,waxaana uu baaq u diray Maamulka Galmudug iyo Dowladda dhexe,waxaana uu ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada ka jirta degaannadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-