DHAGEYSO WAREYSI:- Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta Jowhar ka furmaya

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray qaban qaabada Shirkaasi,iyada oo ay wali beelaha qaar ka gows adeygayaan ka qeyb galka Shirkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada uu ka muuqdo diyaargowga loogu jiro furitaanka Shirkaasi, sidoo kalena ay magaalada ka jirto soo dhaweynta madax ka socota Dowladda Soomaaliya oo shirka daah furaya.

Bartamaha Magaalada ayaa lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo xaqiijinaya amniga,kuwaas oo lagu daadiyay goobaha muhiimka ah sida waddooyinka ku xeeran halka uu ka dhacayo Shirka Jowhar.

Shirka ayaa Wajigiisii 1aad waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana uu hakad galay kadib markii Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ay saamiga beelaha qeybisay,taas oo keentay in beelaha qaar ay saluugaan kana baxaan Shirka.

Wasiirka arrimaha Gudaha,Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa safarro isku ujeeddo ah ku tagay Baladweyne kuwaas oo lagu doonayay in Beelaha Hiiraan ee ka baxay Shirka lagu soo celiyo,waxaana Dowladdu ay sheegtay in inta badan Beelaha Hiiraan ay ka aqbaleen ku laabashada Shirka ka furmaya Magaalada Jowhar.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-