DHAGEYSO WAREYSI:- Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan qaraxii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Beyxaani ee degmada Shibis.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada qaraxaasi waxaa ku dhintay 5 halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Ummah eek u yaalla halkaasi.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay aheyd goob ay dadka aad ugu badan yihiin.

Gaariga qarxay ayaa nuuciisa waxaa lagu sheegay in uu ahaa gawaarida nuuca raaxada.

ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen iyagoo halkaasi ka wada howlgallo.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’ulliyada qaraxan ka dhacay degmada Shibis.

Hoos ka Dhageyso Wareysi qof goobjooge ah:-