DHAGEYSO WAREYSI:- Somaliland oo ka qeyb gashay Shir loogu hadlaayay Xagjireynta Dhalinyarada oo lagu qabtay Dalka Britain

0

Magaalada Bristol ee dalka Britian waxaa ka dhacay Shir weyne oo looga hadlaayay dhalinyarada u dagaalka taga dalalka Syria, Ciraaq iyo meelaha kale iyo sida looga hortegi karo.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed, Laamaha Ammaanka iyo Ciidamada Booliska, iyo ururada bulshada Rayidka ah.

Bulshada Muslinka ah ee dalka Britain, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa ka mida bulshooyinka ay saamaynta ugu badani ka soo gaadhay. waxaana marar kala duwan dhacda in laamaha ammaanku ay joojiyaan dadka muslinka xilliyada ay safarada ku jiraan.

Wasiir Xigeenka Wasaarada Qorshaynta ee Maamulka Somaliland Kaysar Cabdullaahi Maxamed oo khudbad dheer Shirkaasi ka jeediyay ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay in la dagaal geliyo.

Shirka ka dib ayuu Idaacada VOA-da Wasiirka ugu warbixiyay qodobadii laga soo saaray Shirka.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka:-