DHAGEYSO:- Shacabka ku nool magaalada Jowhar oo ka hadlay sida ay u arkaan Shirka Maanta ka furmaya Magaaladaasi

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan in uu Maanta magaalada Jowhar ka furmo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Shacabka Magaalada Jowhar oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweeyay in uu maanta Jowhar ka furmo shirka oo ay sheegeen in uu muddo hakad ku jira.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray qaban qaabada Shirkaasi,iyada oo ay wali beelaha qaar ka gows adeygayaan ka qeyb galka Shirkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codadka Aragtida shacabka Reer Jowhar:-