DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Weeraro khasaaro uu dad shacab ah ka soo gaaray ku qaaday Degmada Afgooye

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay Weerar ku qaadeen meel uu yaallay Matoor Korantada  laga Siin jiray deegaanada hoose yimaadan dagmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in Qarax Bam gacmeed ah ay ku Weerareen goobtaasi uu yaallay Matoorka Korontada isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Weeraro ay Al-Shabaab ku doonaayeen in ay ku khal khaliiso amaanka deegaanada gobolka Sh/Hoose balse ay ka hortageen.

Waxa ay sheegeen in Weerarka Al-Shabaab ay qaadeen uu khasaaro ka soo gaaray dad shacab ah isla markaana ay soo bandhigaya qasaaraha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-