DEG DEG:- Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Toogatay Ragii ka dambeeyay dilki Wariye Hindiya Xaaji

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, ayaa saaka oo Sabti ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Labo ruux oo horay loogu xukumay inay dileen Allaha u naxariiste Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed.

Fagaaraha  School Polozio ee Magaalada Muqdisho, ayuu ka dhacay dilka labadan ruux saaka lagu fuliyay, iyadoo masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida ay goobjoog ahaayeen.

Labada ruux ee dilka toogashada ah saaka lagu fuliyay ayaa kala ah C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar iyo Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar.

Raggaan saaka maxkamada ciidamada qalabka sida dilka toogashada ah ku fulisay, ayaa horay racfaan uga qaatay xukun ay ku riday Maxkamada Darajada Koowaad 25-kii Bishii labaad ee sanadkan xukunkaasi oo ahaa dil toogasho.

Laakiin maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa 20-kii Maarso xukunkaasi sii adkeysay, iyadoo maanta la toogtay raggaan.

Dilka Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed, ayaa waxaa loo soo qabtay lix ruux labo ka mid ah saaka ayaa la toogtay, halka Afarta ruux ee kalena ay ku kala xukuman yihiin sidan.

1:Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , wuxuu ku xukuman yahay Xabsi Daa’in.

2: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, wuxuu ku xukuman yahay Xabsi Daa’in.

3: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, wuxuu ku xukuman yahay 15 sano xabsi ah.

4: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, wuxuu ku xukuman yahay 15 Sano xabsi ah.