DEG DEG:- Al-Shabaab oo dib ula Wareegay Degmada Aadan Yabaal

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabelaha Dhexe, Ururka Al Shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal.

Ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan ayaa gudaha u galay Degmada Aadan Yabaal, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaasi.

Ciidamadii Amisom ee Itoobiya ka socday ayaa guud ahaan isaga baxay halkaasi, waxaana ay aadeen dhanka Gobolka Hiiraan oo markii hore ay ka yimaadeen.

Maxamuud Sheekh Xasan, Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal, ayaa sheegay inuusan garan karin sababta ka dambeysa ciidamada Shabaab inay halkaasi ka baxaan.

Ciidamada Shabaab oo gaadiid dagaal wata aadna u fara badan ayaa ku sugan Degmada Aadan Yabaal.