DAAWO VIDEO:- Gudoomiye Jawaari oo koormeeray Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Xilli Beri uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta waxa uu koormeeray Xarunta golaha Shacabka oo ah Xarun ay ku shiraan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Koormeerka ayaa waxaa Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku wehlinaayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale koormeeray Xafiisyada Xarunta Baarlamaanka iyo qaabka ay u diyaar garooween Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta Xarunta golaha shacabka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Baarlamaanka, waxaana kulankaasi loogu hadlay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Kalfadhiga ugu dambeeyay ee Baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay koormeerka Gudoomiyaha baarlamaanka iyo sida ay ugu diyaar garooween.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=7G-lf56crbc