UPDATE:- Wasiirka Maaliyada xukuumada Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Wasiirada Maaliyada Jaamacada Carabta+Daawo Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aaden Ibrahim Farkeeti iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn kagaga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaacadda Carabta ay isugu yimaadaan sanadkiiba mar.

Shirkan oo ay soo agaasimeen shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaa ka qetbgalay Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe,kaas sanadkaan maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Wasiirka Maaliyadda JFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha , caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo,isagoo Wasiirka soo jeediyey talooyin ku wajahan doorka wadamada Carabta ee ku aaddan sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu kulammo gooni-gooni ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait, waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax-mara labada wadan,isagoo Sidoo kale la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa.

Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.

1 2 3 4