TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo sharaxday Qaabkii loo qabtay Ragii Madaafiicda xalay ku tuurayay Muqdisho,NISA oo sheegtay in 9-ruux la qabtay iyo Qof ka tirsan qoys madfac uu ku dhacay oo ka warbixinaya….

0

Laamaha Amaanka Soomaaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay Hoobiyaal iyo Kooxdii Hoobiyaashaasi rideysay oo Gacanta lagu dhigay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga CabdiKaamil Macalin Shukri ayaa saxaafada u sheegay in Ciidamada Amniga ay ka soo qabteen isbitaal Madiina labo ka mid ahayd kooxdii ka dambeysay falkii weerarka hoobiyaasha kuwaasoo iyagoo dhaawac la geeyay isbitaalka.

“Ciidamada NISA ayaa baaris ka sameyay Cusbitaalka Madiina, waxaa gacanta lagu hayaa 9 ruux oo 2 ay ahaayeen kuwii hoobiyaha ridayay 3 Cusbitaalka u qaadday iyo 4 nin oo ku sugnaa gurigii ay ku dhuunteen ka hor inta aan cisbitaalka loo gudbin”ayuu yiri afhayeenka Wasaarada Amniga C.Kaamil.

Hoobiyaasha lagu ridey degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo kamid ahaa goobaha ugu nabdoon magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aan illaa iyo hadda tiro sax ah laga hayn.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA