DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in la bilaabayo Gurmadka loo sameynaayo dadka abaaraha ay saameeyeen

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay lacagihii dhowaan dowladda Soomaaliya ay gaarsiisay deegaanada Soomaaliland oo abaaro daran ay ka jireen halkaasi.

Maxamed Cumar Cartan oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay roobabkii guga watay ee maalmahan  ka da’ay deegaano ka tirsan Soomaaliland.

Waxaana uu sheegay in gobolada kale ee dalka Soomaaliya abaaraha ay saameeyeen iyaguna dhankooda aan laga seexan doonin oo gar gaar la gaarsiin doono.

Shalay ayay aheyd markii golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ay warbixin ka dhageysteen guddigii abaaraha ee dhowaan gaaray deegaano ka tirsan Soomaaliland, si ay ugu gurmadaan dadka ay abaarta halkaasi ku saameysay.

HALKAAN KA DHAGEYSO