DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddi gaar ah oo ka hortaga Qatarta Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa shalay magacaabay guddi gaar ah oo ka tirsan Golayaasha dawladda, gaar ahaana Wasaaradda Arrimaha gudaha, Amniga & Taliyaasha ciidamada, kuwaas oo si dhaw ula socon doono dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ay ka wadaan gudaha & banaanka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa guddigan u magacaabay in ay si deg deg ah usoo qiimeeyeen dagaaladii lagu jabiyey Shabaab, xogtoodana ay keenaan hadda waxay damacsan yihiin, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan in ay wali jiraan hami ah in ay Al- Shabaab markale soo weeraraan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Ilaalada Xeebaha oo koox gaar ah loo xilsaaro in ay waardiye ka qabtaan xeebaha deegaanadii ay ka soo dagen Maleeshiyaadkan, oo wali u nugul in ay ka soo dagi karaan.

Afhayeenka Madaxweynaha Quraanjecel ayaa sheegay in ay guddigan wax badan la socon doonaan oo ah arrimaha ay maleegayaan kooxaha doonaya in ay dumiyaan amniga & kala dambeynta ka hana qaaday deegaanada Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO