DAAWO:- Shacabka Degmada Jalalaqsi iyo Ciidamada AMISOM oo iska kaashanaya Dhismaha Buundada Jalalaqsi

0

Dadka shacabka ah ee ku nool Degmada Jalalaqsi oo kaashanaya ciidamada Dowlada kuwa ka socda dalka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa waxa ay bilaaben dhismaha buundada jalalaqsi kadib markii ay ka burburtay buundada tiirarka hoose.
Mar aan gaaray buundada Jalalaqsi ayaa halkaasi waxa kula kulmay qaar kamid ah shacabka iyo ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo xiligaasi ku guda jiray dhismaha waxa ayna ii shegen iney ku dhisayan si iskaa wax u qabsa ah maadaama ay tahaya buundada mid muhiim u dadka reer jalalaqsi.
Gudoomiye ku xigenka Amniga ee Maamulka Degmada jalalaqsi ibraahim madoobe nuur oo la hadlay Radio Hiranweyn ayaa shegay in dhismaha buunadada jalalaqsi ay kawada qeyb qaadanayaan shacabka iyo ciidamada AMISOM gaar kuwa ka socda dalka Jabuuti.
Maxamed Cabdi Abuukar Gudoomiye ku xigenka Degmada ee ee dhinaca maaliyada oo dhankiisa la hadlay HMC ayaa Jaaliyada kaso jeda degmada Jalalqsi ugu baaqay iney ka qeyb qaatan dhismaha buundada iyo wax kasta oo lagu hormarinayo bilicda degmada.
Dhawaan ayay aheyd markii ganacsatada maamulka Degmada iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ay wada qaaten kulan looga hadlayay sida looga wada qeyb qaada karo dhismaha buundada jalalaqsi oo bur-bur xoogani ka soo gaaray fatahaadii uu sameyay wabiga shabele dabayaaqadii sanadkii tagay.

WD: Cabdi Wali Xuseen Tawakal Radio Hiiraan weyn

Hoos ka Daawo Sawirada:-

110 120 130 140 150 11 22 33 44 55 66 77 88 99 100