TOOS U DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho oo caawa Madaafiic marti u ah, Tirada dhaawaca iyo dhimashada oo sii kordheysa

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Hoobiyaal Maqribnimadii Caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee Gobolka Banadir.

Madaafiicda ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad rayid ah soo gaaray,iyadoo aan ilaa hadda la xaqiijin karin tirada Guud ee Dhimasho ama Dhaawac.

Hoobiyaal ku dhacay Agagaarka Iskuulka Raage Ugaas ee Degmada Waabari ee Gobolka banaadir ayaa waxaa ku dhintay illaa Saddex Qof oo Shacab ah,waxaana ku dhaawacmay ilaa 4 kale.

Sidoo kale waxaa la sheegay Tiro Madaafiic ah oo ku dhacay Degmada Xamar-jajab oo iyana Sababay Khasaaro Dhimasho iyo mid dhaawac.

Qof ka mid ahaa Dadkii ku sugnaa Iskuulka Raage Ugaas ee Madaafiicdu ay ku soo dhacday ayaa sheegay in ilaa Dhowr Xabo ay ku soo dhaceen degmada islamarkaana aan wali la xaqiijin karin Dhimashada,Balse uu Arkay Dhimashada Tiro dad ah.

Wali ma jirto Cid og halka laga soo tuuray iyo Cidii ka dambeysay intaba.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO