TOOS U DHAGEYSO:- Dagaal xoogan oo ka dhacay Duleedka degmada Aadan yabaal

0

Dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Jidka u galeen Shabaab islamarkaana uu halkaa ku dhexmaray dagaal Xooggan.

Khasaaraha Dagaalka ka dhashay ayaan la Ogaan karin,iyadoo Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in Xaalada Degmada Saaka ay dagan tahay islamarkaana dadkii Magaalada joogay ay inta badan Barakaceen.

Shalay ayaa Degmada waxaa lawareegay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

HALKAAN KA DHAGEYSO