TOOS JILIB:- Duqeymo ka dhacay Jilib iyo Saldhigyo waa weyn oo la madaafiic lagu garaacay

0

Ilo wareedkeena Magaalada Kismaayo ayaa saaka noo xaqiijiyey in habeenimadii xalay siqdii dhexe Weerar lagu ekeeyey Magaalada Jilib,waxaan weerarkaas qaaday ciidamada dalka Maraykanka oo istimcaalaya diyaardaha hawada wax ka duqeeya,kuwaas oo bartilmeed koodu uu ahaa Saldhiga ugu wayn  ee Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku leedahay halkaas.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanku,daryaanka duqayntaas ayaa laga maqalayey deegaano aad ooga fog fog halka wax ka dhacayeen ee Saldhiga Al-Shabaab oo duleedka Jilib ah,waxayna Saraakiish Maanmulka Jubbaland Sheegeen in ay ka warhayeen Weerarkaas hase yeesheen ayna Wali Xaqiijin karin tirada khasaaraha iyo Waxyeelada Soo gaadhay Maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka Kale Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka Magaalada Jilib u sheegtay in ay qodaan Xabaalo,aan dadka loo sheegin wax lagu aasi doono Xabaalahaas,inkastoo dadku ay sheegayaan in dhaqankaas uuna ahayn mid horey loogu yaqaanay Maleeshiyadka Al-Shabaab,waxayna dadku u badanayaan in ay xaalada Cusub oo Al-Shabaab ku soo kordhay ay tahay.