DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in la wado Qorshe lagu dhiiri gelinayo Cunista Cuntada Dalka

0

Iyada oo maanta la xusayay maalinta Caafimaadka Adduunka ayaa waxaa Munaasibad lagu xusayay waxaa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasibadda waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Ururrada Bulshada Rayidka,Dhaqaatiir iyo Wakiillo ka socday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kulanka ayaa waxaa khubado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiinta ka qeyb galay,waxaana Sanadkan uu ahaa halheyska Ciribtirka Cudurka Sokorow.

Dadka ka hadlayay Munaasibadda ayaa soo jeediyay in Cudurkan wacyi gelin badan laga sameeyo,maaddaama aan si kale looga adkaan karin.

Kadib kulanka ayaa Wasiirad Xaawo Xasan oo Wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal,waxaa ay sheegtay in ay Wasaaraddu qorsheyneyso dheero gelinta quudashada Cuntada ka soo go’da Beeraha Dalka.

Waxaa ay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Cuntada dibadda ay ka wanaagsan tahay midda gudaha,waxaan ay intaa ku dartay in arrintaasi wax ka qabanayaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO