DHAGEYSO:- Wasiiro ka tirsan Maamulka Khaatumo oo ku sheegay heshiiskii Garoowe mid lagu kala qeybinayo Umada Soomaaliyeed

0

Masuuliyiinta maamulka Khaatumo oo Shalay kulan ku yeeshay magaalada Buhoodle ayaa waxay si cad ugu soo horjeesteen Heshiiskii garoowe ay ku gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Khaatuma Axmed Xaaji Cali iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Axmed Maxamuud Doolaal ayaa si isku mid ah u sheegay in heshiiskii Garoowe ay Khaatuma u aragto mid lagu kala jarayo shacabka Soomaaliyeed

Wasiirro madasha ka hadlay gaar ahaan Buuhoodle ayaa iyagu dhaliilay heshiiskaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO