DHAGEYSO FAAHFAAHIN:- Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo gaaray Degmada Buulabarde

0

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray Degmada Buulabarde ee Caasimadda Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiirada ayaa waxaa ay Kulamo la qaateen Maamulka Degmada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada,iyadoo wada-hadaladu ay ku qotamaan ka shaqeynta Amaanka iyo sidii Dadka Degmada ka maqan ay dib ugu soo laaban lahaayeen.

Wasiirka Amniga iyo kan Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale halkaa ka dhagax dhigi doona Madaxtooyada Maamulka loo sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu yeelanayo,maadaama Degmadaasi loo Magacabay in ay tahay Casimadda Maamulka la dhisayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO