DHAGEYSO:- Culimada Ictisaam ee Puntland oo Markii ugu horeysay ka hadashay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanada PUNTLAND iyo Hadalkii Cali Dheere

0

Culumada Jameecadda Ictisaam ee ka dhisan Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sheegashada Shabaab ee ah in ay deegaanada Puntland ugu soo duuleen in ay ku xukumaan Shareecada Islaamka, waxaana xalay culumada ugu waa weyn Jameecaddan lagu weydiiyey fadhi diini ah oo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sheegashada Al- Shabaab, isla markaasna ay garab mareen Shareecada Islaamka, ayna xaq tahay in ayaga loo bandhigo Shareecada Islaamka.

Sheeh Cabdinaasir wuxuu si dhab ah uga hadlay Afhayeenka kooxdaas Cali Dheere oo uu sheegay in uu yahay ninkii Shacabka Soomaaliyeed dhib weyn u geystay, isla markaasna ku faanay leyntii Ardaydii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyey Hargaha & Saamaha ee magaalada Muqdisho.

Wadaadkan ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sheegashada Al- Shabaab ee ah in ay Puntland ugu soo duuleen si loogu xukumo Shareecada Islaamka, isagoo cadeeyey in dhib kasta oo Soomaaliya maanta ku dhacay ay kooxdaas leedahay eedeeda oo dhan.

HALKAAN KA DHAGEYSO