DAAWO:- Khilaafka u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo AMISOM oo sii kordhay iyo Axmed Madoobe…

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland Waxaa wali ka taagan jahawareer la xdhiidh hawgalka Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland,iyadoo maalmihii la soo dhaafay lagu waday in Saraakiisha AMISOM iyo Maamulka Axmed Madoobe ay isla Meel dhigaan,qaabka uu noqonaya duulaanka Al-Shabaab ay ku qaadi doonan Ciidamada Huwantu.

Warar hoose iyo Xogta aan Kismaayo ka helay ayaa shegaysa in Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay dib ooga gurteen Saldhigii ay markii hore dageen ee Magaalada Kismaayo duleedkeeda,sababo la xidhiidha diidmo ay kagag soo horjeedaan in ay iyaga noqdaan Ciidamada safka hore gala, ee dagaalka deegaanada Buulo-Guduud iyo dagmooyinka kale ku beegma,Waxayna tani keentay shakigii ugu Cuslaa ee ka dhexdhashay Ciidamada AMISOM ee Jubbaland ku wada sugan.

Sida aan Xog ku helay Waxa soo baxaysa in tirada Ciidamada Soomaalida ee Kismaayo ku sugan ay Maamulka Axmed Madoobe doonayaan in Ciidamada AMISOM ay la hawlgalaan ayna u qaysami karin ilaalada Magaalada Kismaayo iyoc ciidan hawlgalka ka qayb qaata,waxayna taasi keentay in ay Saraakiisha AMISOM Kenya Axmed Madoobe u sheegaan in Xiligan ayna jiri karin duulaan ay ku qaadaan Al-Shabaab.

Madaxwaynaha aamulka Jubbaland ayaa u muuqada in Xiligan uu doonayo in indhaha dadka Kismaayo uu ku sii jeediyo hawlo la xidhiidha dhanka Ciidamada,isga oo inta badan dadka ka mashquulinyaa Xaalada Siyaasadeed ee la doonaya in uu deegaanka ka gudbiyo,Waxaana Xiligan magaalada Kismaayo ka Socda qorida Ciidamo Cusub.

HALKAAN KA DAAWO