TOP NEWS:- Laba nin oo sameynaayay walxaha qarxa oo lagu qabtay Muqdisho

0

Hawlgal ay Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, lana sheegay inay samaynayeen walxaha qarxa

Hawlgalkan oo maanta ka dhacay xaafadda Siliga ee Degmada Yaaqshiid, ayaa waxay laamaha ammaanku ku soo qabteen labadaasi nin, oo loo gudbiyay xarumaha hay’adaha ammaanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

C/kaamil Macalin Shukri, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom inay si wadajir ah gacanta ugu soo dhigeen labadaasi nin.

Afhayeenka oo ka soo muuqday Warbaahinta gudaha, ayaa hoosta ka xariiqay in raggaasi ay ku hawlanaayeen samaynta qaraxyo, si ay ugu carqaladeeyaan nabadgelyada Magaalada Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu tilmaamay tallaabada lagu soo qabtay raggaasi inay ka dambeysay, ka dib markii Maamulka Degmada Yaaqshiid uu laamaha amnigu ku soo wargeliyay inay ka shakisan yihiin niman ku sugan xaafadda Siliga.

C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha ammaanku ay baaritaano dheeraad ihi ku samayn doonaan labadaasi nin, oo sida uu sheegay ka tirsan Ururka Al Shabaab.

C/kaamil, ayaa intaa ku daray Ciidamada Dowladda & Amisom in ay sii wadi doonaan hawlgalada, ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, illaa iyo inta laga soo afjaraayo nabadiidka.